Caafimaadqab & Cimridheeri
Ku biir Mahuraan si aad isbuuc kasta u hesho dhambaallo iyo agab kale oo kugu dhiirrigeliya in aad noolaato nolol cimridheer oo ku dhisan caafimaad, xoog, iyo maskax fayow.
Qof kasta cimrigiisa waxaa soo marta waqti ay isbeddelaan waxyaabaha mudnaanta u leh noloshiisa. Halka uu barigii hore ka dooni jiray kororsi ama badsasho, waxaa muhiimad weyn yeesha caafimaadka iyo xasillooinada.In badan oo innaga mid ah, isbeddelkaas waxuu ku yimaadaa da’da u dhexeysa 35 ilaa 45. Waxaa kugu bilowda xanuunno kaa gala qaybo ka mid ah jirka sida kala goysyada iyo dhabarka. Waxaa kugu bilowda jilbo xanuun aad dareentid xilliga rukuucaha salaadda, foorarka oo ku dhiba, hurdada oo kaa xumaata, cuntada oo ku dhibta, iyo in kale oo badan.Markaas baad waxaad garataa in xoogga iyo firfircoonidu aysan ahayn wax waaraya, balse ay yihiin kuwo u baahan daryeel iyo joogteyn.Dhanka kale, waxaa jira cilmi-baarisyo badan oo muujinaya in dadka gaara da’da 40 iyo wixii ka dambeeya, ay u badan tahay in ay la noolaadaan xanuunno soo noqnoqda.Anigoo qayb ka ah da’daas, khibradna u leh la noolaanshaha isbeddelladaas, ayaa igu dhalisay in aan abuuro Mahuraan. Waxaan ku soo gudbiyaa cilmi iyo tijaabo nololeed isku dhafan oo ku saabsan sida loo noolaado nolol cimridheer oo ay baaritaarayaan jir iyo naf caafimaad qaba, maskax fayow, iyo nolol qorshe leh.Si aad dhambaallada Mahuraan iyo agabyo kale oo kaa caawinaya sidii aad u noolan lahayd nolosha aad u qalintid, fadlan ka mid noqo akhristayaashayda.